ETHIOPIA oo Amar adag dul-dhigtay Madaxweynaha Maamulka Ahlu Suna

ETHIOPIA oo Amar adag dul-dhigtay Madaxweynaha Maamulka Ahlu Suna

daajis.com:- Dowladda Ethiopia ayaa ku amartay Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxa’ed Shaakir inuu ka tanaasuli sheegashada Madaxweynaha Gobolada Dhexe, islamarkaana uu ku biiro Maamulka Galmudug.

Sheekh Maxa’ed Shaakir oo dhawaan looga yeeray isaga & Saraakiil kale oo Ahlu Sunna kamid ah ayaa waxaa la dul-dhigay Amarro ay kamid yihiin in ay Hubka & Magaalooyinka haystaan ku wareejiyaan Maamulka MD C/kariin Guuled.

Dowladda Ethiopia ayaa u sheegtay Sheekh Maxa’ed Shaakir in ay u aqoonsatahahay Maamulka Galmudug Maamulka kaliya ee ka taliya Gobolada Galgaduud & Koonfurta Mudug, balse aysan aqoonsanayn Maamulka Ahlu Sunna.

Sidoo kale, waxaa isna looga yeeray Addis Ababa Madaxweyne C/kariin Guuleed oo Ujeedka safarkiisu ahaa in Ethiopia uu u adeegsado sidii Ahlu Sunna meesha looga saari lahaa, Maamulkiisana loogu baahin lahaa Deegaanada loo doortay ee uu matalo.


Ahlu Sunna ayaa ah awoodda kaliya ee hadda hortaagan Galmudug inay shaqeyso, waxaana ay haystaan dhul ballaaran oo ay kamid tahay Caasimadda Maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada