daajis.com:- Warbixin uu soo saaray, Guddi ka tirsan Golaha maamulka iyo ammaanka dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska Kenya ay iska dhego tireen xoga sirdoon oo la siiyay inta uusan dhicin weerarkii ay Alshabaab ku xasuuqeen 147 ruux ee ka dhacay Jaamacadda ku taalla Garissa.
Warbixinta, ayaa tilmaamaysa in xogtii u danbaysay ee ka digaysay weerar dhici kara la siiyay maalin ka hor weerarkii gilgalay Jaamacadda Garissa.
Dhinaca kale, Saraakiisha Booliska ah ee ka howlgala aaga uu ka dhacay weerarkaas, ayaa lagu eedeeyay inaysan lahayn tababar dhameestiran oo ay ugu hortagaan mashqadii dhiiga badnayd ee lagu xasuuqay ardaydii dhiganaysay Jaamacadda Garissa.
Waa markii u horaysay, oo la soo saaro warbixin sidaan u ceebeenaysa Ciidamada Booliska Kenya oo horay loogu yaqaanay wahsi iyo musuq maasuq u diiday inay shaqooyin qaran oo sharfan qabtaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at