Wiil Tax-siile Muslim ah Oo Kunool Maraykanka ayaa Dad Badan Ka Ilmaysiiyay Kana Sheekeeyay Dhibaatada Soo Gaartay Weeraradii Paris kadib

Wiil Tax-siile Muslim ah Oo Kunool Maraykanka ayaa Dad Badan Ka Ilmaysiiyay Kana Sheekeeyay Dhibaatada Soo Gaartay Weeraradii Paris kadib

daajis.com:- Jariidada Daily Mirro ee kasoo baxda cariga Ingiriiska ayaa soo bandhigtay sheeko saameyn leh oo dhex martay nin Taxiile Muslim ah iyo ninkale oo Maraykan ah oo ay ka ilmeysiisay dhibaatada taxiilaha isla markaana fariin xoog badan u diray shacabka Maraykanka iyo dadkale kale ee dunida, gaar ahaan dadka aaminsan in Islaamku yahay aasaaska Argagixisada.

Alexander Malloy oo maraykan ah ayaa sheekaynaya oo yir: “markii aan lugta dhigay gaarigii taxiga ahaa , wuu ii mahadcelyay taxiilahan muslimka ah, waan sheekaysanay, waxa uu ii sheegay inaan ahay qofkii ugu horeeyay ee isku aamina gaarigan oo raaca, waxa uu yiri maanta oo dhan waxaan wareegayay wadooyinka in kabadan 2-saacadood iyadoo aan waayay cid iraacda, dadka oo dhan way idiidayeen , kadib dhacdadii Paris, inay gaariga soo koraan iyagoo baqdin ka muujinaya labiskayga iyo qaabkayga oo Sunadu ka muuqato , dadkan argagixisada ah waxa ay sameynayaan waxay kasoo hor jeedaa diinta islaamka , dadka oo dhanina waxay aaminsan yihiin in qof kasta oo muslim ah qeyb ka yahay waxa dhacaya”

Malloy ayaa ilintiisa celin kari waayay isagoo uu saameyay hadalka ninkaa darawalka ah , waxaanu ku adkaystay inuu fariin xoogan uu gaarsiiyo shacabka Maraykanka oo dadyowga kale ee dunida , kuwaas oo muslimiinta ku eegaya il ah inay ka dambeeyaan argagixisada iyo faafideeda.


Malloy ayaa yiri”waxaa isoo martay ilbiqsiyo muruge leh marka uu iiga sheegaynayay sida xun ee loola dhaqmay, nin dhalinyaro ah oo caqli badan, isku da’ ayaan nahay, waxaan rajeynayaa in meel la iska dhigo dareenka cunsuriyadda leh iyadoo dad badan oo aan dambi lahayn ay ku dhibaatoonayaan , waan rajaynayaa in dambiga dadkoo dhan dusha la iska saarayo in la iska daayo, dadka muslimiinta ah yaan loo eegin inay yihiin dadka mushkiladda wada, waa dad inala mid ah yaan la takoorin”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada