daajis.com:- Askarigan oo lagu magacaabi jiray Stanley Kipolomi, ayaa ka mid ahaa Ciidankii Kenya ee ka badbaaday weerarkii abaabulnaa, ee Ururka Al Shabaab ku qaadeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, maalintii Jimcaha.
Askarigan, ayaa sida la sheegay maalintii Isniinta dib ugu laabtay hoygiisa oo ku yaala Waqooyiga Gobolka Rift Valley, gaar ahaan deegaanka Kabarnet.
Saacado ka dib, ayaa waxaa meydka askarigaasi laga helay afaafka hore ee hoygiisa, xilli ay ka muuqatay dhaawacyo ka soo gaaray qoorta, dhiig badana uu ka yimid.
Wargeyska The Star oo ka soo baxa Magaalada Nairobi, ayaa maanta qoray in Ciidanka Booliska ay xabsiga dhigeen xaaskii uu qabay askarigan, oo magaceeda lagu sheegay Nancy Kandagor.
Warar madax banaan, ayaa waxay xaqiijinayaan in murun uu dhex maray askarigaasi iyo afadiisiiba, ayna u diiday in guriga uu gudaha u soo galo, iyadoona albaabka ka soo xiratay.
The Star, ayaa ku waramaysa in Saraakiisha Booliska ay shaki ka qabaan in Nancy Kandago ay wax ka ogeyd dilka saygeeda, isla-markaana ay Boolisku su’aalo weydiinayaan.
Wilfred Mwangi oo ah Ku Simaha Taliyaha Booliska ee deegaanka Kabarnet, ayaa gaaray hoygii uu deganaa askariga la dilay, balse wax tafaasiil ah Warbaahinta kama aanu siin dilkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have

