daajis.com:- Booliska magaalada Malindi ee dalka Kenya ayaa diley afar dhalinyaro ah oo looga shakiyey in ay xiriir lalahaayeen ururka al-Shabaab.
Dhalinyaradan la diley ayaa waxaa kamid ah Suleymaan Maxamed Cawad oo ah 25 jir si weyn loo raadinayey oo madixiisa la dul dhigey 2 Milyan oo lacagta Kenya ah. Sida sarkaal ka tirsan Boolisku u xaqiijiyey Waregysa Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya.
Sarkaal ka titsan Booliska Gobolka Kilifi County ayaa saxaafadda u sheegey in Boolisku hawlgal ku qaadeen guri ku yaala Kwachocha, Malindi, kadib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.
Booliska Malindi ayaa sheegey in nimanka la diley ay diidaan in ay is dhiibaan isla markaana ay dagaalameen, kadibna ay sidaas ku geeriyoodeen.
Matawa Muchangi oo ka mid ah saraakiisha Malindi ayaa magacaabey qof labaad oo ah kuwa la diley kaas oo uu magiciisa ku sheegay Ciise Jaabir Cali oo ka soo jeeda Mombasa. Mr Muchangi ayaa sheegay in afarta la diley maahee ay jiraan saddex kale oo baxsadey, kuwaas oo qaatey qoryaha darandooriga u dhaca ee Ak47.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:30 and have

