Daawo Axmed Madoobe oo si geesinimo leh u amray in hoolka shirka laga saaro calamada maamulada

Daawo Axmed Madoobe oo si geesinimo leh u amray in hoolka shirka laga saaro calamada maamulada

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa qaaday tallaabadii labaad ee geesinimo leh oo wadaniyadi xambaarsan, kadib markii uu amray in hoolka shirka madasha qaran laga saaro dhamaan calamada maamulada gobolada iyo dalalka shisheeye.

Axmed Madoobe ayaa amray in hoolka shirka uu ka dhex muuqanayo calanka Soomaaliya kaliya, maadaama laga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyay in calanka Soomaaliya uu yahay kan mideeyo shanta Soomaaliyeed.

madoobe-shirHadalkaan ayaa markii uu ku dhawaaqay waxaa sacab iyo sawaxan aan kala joogssi laheyn kusoo dhoweeyay ergadii shirka ka qeybgalay oo u riyaaqay, halka qaar tiro yar ay dhibsadeen erayadaasi.

Axmed Madoobe ayaa markii labaad hadal taariikhda u galay ka sheegay shirkii labaad ee caalami ah oo looga hadlayo mustaqbalka dalka, waxaana shirkii kan ka horeeyay uu codsaday in Af-Soomaali lagu hadlo maadaama dadka hadlayo ay yihiin Soomaali.

















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada