Wasaaradda difaaca Kenya oo xaqiijisay in Al-Shabaab la wareegeen xerada Ceelcade

Wasaaradda difaaca Kenya oo xaqiijisay in Al-Shabaab la wareegeen xerada Ceelcade

daajis.com:- Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Kenya Col. David O. Obonyo ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in maliishiyada ay Al-Shabaab ay la wareegeen xerada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Ceelcadde, oo u dhow saldhiga ciidamada Kenya ay leeyihiin, laakiin AL-Shabaab ayaa sheegatay in xeradaasi ay tahay tan Kenya.

Col. David O. Obonyo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay qaadeen weerar rogaal celis ah, isla markaana uu socdo dagaal xooggan xiliga 10-kii barqanimo , wax faah faahin iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasina aan ilaa weli la ogeyn.“Alshabaab waxay soo weerartay xerada ciidamada milateriga Soomaaliya oo ku dhow tan ciidamada difaaca Kenya ee Ceelcadde, weli dagaalku waa socdaa. faahfaahin kale ayaan bixin doonna marka aan helno warbixinta…” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Kenya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada