DAAWO:- C/wali Sheekh Axmed: Looma dhameyn go’aanadii kasoo baxay shirkii Madasha

DAAWO:- C/wali Sheekh Axmed: Looma dhameyn go’aanadii kasoo baxay shirkii Madasha

daajis.com:- Ra’iisul Wasaarihi hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in go,aanadi kasoo baxay shirki wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey ay ahaayeen kuwo ay ku heshiiyeen dad kooban.


Md. Cabdiwali oo hadda madax u ah urur ay ku midoobeen axsaab siyaasadeed oo badan laguna magacaabo  Madasha Midnimada ayaa tilmaamay in aragtida ay ka qaateen go,aanki lagu gaaray in nidaamka 4.5 lagu qeybsado awooda baarlamaanka ay tahay in go,aanadaasi ay ahaayeen kuwo qilaafsan dastuurka kumeel gaarka ah ee u dagsan Soomaaliya.

Waxa uu ku adkeystay in madasha ay awalba aheyd mid ay dad gaar ah yeesheen oo aanan laga qeyb gelin xisbiyada siyaasadeed, Puntland, baarlamaanka ama qaar ka mid ah mudanayaasha, siyaasiyiinta iyo ururada bulshada rayidka ah.


HALKAN KA DAAWO VIDEO


“Aragti ayaanu qaadanay kadib marki aan arrintaan darasnay dastuuriyan iyo siyaasiyan waxa uu keeni karo, ayaan soo saarnay aragtideena,” Waa in loo dhanyahay oo waad ogtahay inaan loo dhameyn, waxaa ka maqan Puntland, baarlamaanka qeyb ka mid ah, wuxuu ahaa in kooban arrin ay ku heshiiyeen, muhiimada waxa weeyaan umada Soomaaliyeed heshiis baa u dhaxeeya oo ah dastuurka kumeel gaarka ah, waana sharciga ugu sarreeya dalka, waana la jebiyey hada dastuurkaas” ayuu yiri Md. Cabdiwali.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ahaa Ra’isulwasaarihi labaad ee madax ka noqda xukumada, dowlada federaalka Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’isulwasaaraha ayaa xafiiska ka tagay marki ay isku dhaceen madaxweynaha, waxaana uu ku baxay marki baarlamaanka cod ay u qaadeen uu ku wayey kalsoonida mudanayaasha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada