Idaacadii ugu horeysay oo FM ah oo maanta laga hirgeliyay Buulo Burte (Sawirro)

Idaacadii ugu horeysay oo FM ah oo maanta laga hirgeliyay Buulo Burte (Sawirro)

daajis.com:- Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay idaacad madax banaan oo markii ugu horeysay laga hirgeliyay degmada Buulo burd ayaa maanta lagu qabtay magaalada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka dagmada buulo-burte odayaal dhaqameedyo, Ururada haweenka, dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha dagmada bullo-burte ee gobolka Hiiraan. Idaacadan oo loogu magac daray Radio Hiranweyn ayaa  laga dhagaysan karaa magaalada Buuloburte iyo deegaanada ku xeeran.

Agaasimaha Guud ee Radio Hiranweyn Maxamed Cismaan Makaraan oo furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in Idaacada ay qeyb ka qaadan doonto in shacabka Buulo-burte uu codkoodu uu gaaro Caalamka si la mid ah sida dadka ku nool magaaloyinka kale ee dalka.

“Qorshaha Maamulka Hiranweyn Radio ayaa ah in guud ahaan degmooyinka gobolka Hiiraan uu ka hirgeliyo idaacado FM ah kuwaasoo ka qeybqaata waxyigelinta bulshada iyo sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta bulshaweynta gobolka Hiiraan.”ayuu yiri Mudane Makaraan.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Bulo-burte Marwo Shukri Saney Muumin ayaa goobta ka sheegtay in shacabka reer bulo-burte ay dhaga la’aayeen maantana ay heleen meel ay ka dhageystaan dhacdooyinka gudaha iyo dibada.

Ku simaha ahna gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Liibaan Cabdi Burosow iyo Duqa Dagmada Buuloburte Cismaan Geedi Cilmi ayaa soo dhoweeyay furitaanka idaacadan cusub waxayna sheegeen inay bulshada degmada ay ka faa’ideysan doonaan.

Waxana ay balanqaadeen in ay si buuxdo ula shaqeyn doonaan Idaacada hiranweyn oo maanta laga furay degmada Buulo-burte ee Gobolka hiiraan.

Furitaanka idaacadan ayaa imanaysa kadib markii dowlada Soomaaliya ay u aqoonsatay magaalada Buuloburte magaalo madaxda maamulka loo dhisayo gobolad Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxana ka soconaya magaalada Buuloburte dhismooyin cusub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada