Daawo Sawirada:- Dhalinyaro Al-shabaab kula dagaalamay Hiiraan

Daawo Sawirada:- Dhalinyaro Al-shabaab kula dagaalamay Hiiraan

daajis.com:- Dhalinyaro is abaabulay ayaa lagu soo waramayaa ineey dagaal kala hortageen dagaalyahano Al-shabaab katirsan Gobolka Hiiraan.

Waxaana iska hor imaadyo dhawr ah ay ka dheceen deegaano hoos yimaada Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaas oo lagu soo waramayo in qasaaro dhimasho iyo dhaawacba uu kala gaaray Maleeshiyaadka dagaalay ee Al shabaab iyo dadka deegaanka.

Goob joogayaal la hadlay warbaahinta kuhadasha afka Doowlada  ayaa sheegay dhawr mar weeraro dhexmaray dadka deegaanka iyo Maleeshiyada Al shabaab in qasaaro loogu gaystay Kooxda Al shabaab.


Maaddaama dhalinyarada deegaanka ay aad u kala yaqaanaan dhulalka Baadiyaha ah ee ay shabaab kula dagaalameen, iyagoo ku dhawaad 10 maleeshiyaadka Al shabaabna lagu dilay weeraro kala duwan oo dhacay todobaadkii ina dhaafay.

Dhinaca kale maanta magaalada Baladweyne ee xaruta gobolka Hiiraan, waxaa la soo gaarsiiyay Dhaawaca ilaa 5 ka tirsan dhalinyaradii deegaanka ee Al shabaabka la dagaalamay kuwaas oo hada dhaawacyadooda lagu daweynayo Cusbitaalka guud ee magaalada B/weyne.

Xildhibaan nuur Iidoow Beyle oo ka mid ahaa xubno Barlamanka Soomaaliya ka tirsan oo maanta ku booqday Dhaawacyadaasi Cusbitaalka magaalada B/weyne ayaa sheegay in xildhibaan ahaan ay gacan siin doonaan dadka deegaanka maaddaama ay xaq u dirir yihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada