DAAWO:- Laascaanod: Aqoon-yahano Dhalinyaro Ah oo qaaday Talaabo Fiican

DAAWO:- Laascaanod: Aqoon-yahano Dhalinyaro Ah oo qaaday Talaabo Fiican

daajis.com:- Dhalinyaro dhigata Kuliyada horumarinta ee Jamacada Nugaal qaar koodna hore ogabaxay ayaa Caawimo Dareen leh gaadhsiiyay bukaanada kujira Isbitaalka Laascaanood.

Maamulka isbitaalka ayaa ogamahad Celiyay dhalinyaradaas deeqada ay soo gaadhsiiyeen waxana ay sheegeen in ay aad ugu mahad Celinayaa,Cidkasta oo ka shaqaysay Caawinta Dadkaas “Dhalinyaradan waa kuwa markasta dareema Xanuunka bukaanada Isbitaalka kujira, Waxaan kaloo u mahad Celinayaa Faadumo Shagaxle oo ah gabadha qurbo jooga ah,oo kaalin mugleh ka qaadatay Caawimadan, ” Ayay tidhi Fahiima Koosa Faare Agaasimaha Isbitaalka

Dhalinyarada ayaa waxa ay bukaan kasta siiyeen waxa uu qaybta u helay, waxaana qolalka jiifay dad xanuuno badan ay ka muuqdaan waxaana ugu liitay runtii dumarka,intii indhahaygu qabanayeen bukaanada,

dadka ugubadan ayaa kujira qaybta TB-da waana kuwa ugujilicsan bukaanada kujira isbitaalka Laascaanood, waa bukaano mudo la soo jiifay xanuunka qaaxada,  waxa ay haatan u baahan yihiin Sariiro,Bustayaal,dhaxanta ay ka huwadaan dadkan ayaa qaar kood iisheegay in ay ka -Yimaadeen guud ahaan deeganada Sool Sanaag iyo Cayn oo ay soo doonteen Daawada bilaashka ah ee Isbitaalka Laascaanood uu bixiyo,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARIXINTA CISBITAALKA 


maahan dadkan jiifa kaliya kuwa qaata Daawada waxaa jira kuwo magaalada jooga oo subax kasta u Soo jarmaada qaadashada kiniinka,qaaxada ku waas la nool qaraabadooda, Dhamaan teen waxaa ina saaran Caawinta iyo inaan hoos u eegno dadka jilicsan ee ilaahay u gartay xanuunada kala duwan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada