daajis.com:- Waxaa saakay Kooxo hubeysan ay weerar xoogan oo isugu jira qaraxyo iyo mid fool ka fool ah ay ku qaadeen Dhismaha Jaamacada Bacha Khan oo ku taal waqooyiga dalka Pakistaan.
Qaar kamid ah Kooxahan hubeysan ayaa la sheegay in gudaha u galeen Dhismaha Jaamacada ayna halkaasi ka wadaan toogasho ay u geesanayaan ardayda dhigata Jaamacada iyo waliba maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaasi.
Halkaan Hoose ka Daawo
ilaa iyo hadda In ka badan 20-qof oo ay ku jiraan arday iyo Macalimiinta Jaamacada ayaa weerarkan lagu dilay. waxaa sidoo kale weerarkaasi oo ah mid wali socda ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 50 arday.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Pakistan ayaa gudaha u galay dhismaha Jaamacada kuwaa oo doonaya in ay soo afjaraan weerarka, Sarkaal katirsan Ciidanka Pakistan ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la dilay labo kamid ah ragii weerarka soo qaaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:17 and have
, Published at