DAAWO:- Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo hanjabaad jeediyay booqdayna saldhigyada Baydhabo

DAAWO:- Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo hanjabaad jeediyay booqdayna saldhigyada Baydhabo

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Kenya ay ugu aar gudi doonaan Al-Shabaab oo Jimcihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaaday deegaanka Ceel-Cadde oo saldhig u ah ciidamada Kenya, halkaasoo lagu dilay askar ka badan 100-askari.

Tedros Adhanom ayaa hadalkaan ka sheegay maanta munaasabadii caleema saarkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ee ka dhacday Baydhabo, isagoo sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay in ay Al-Shabaab jab gaarsiiso si ay ugu aar-gudo ciidamada Kenya, waxaana uu xusay in xilligan Al-Shabaab la wiiqay, ayna sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah.

Tedros-adhanom-baidao-3Wasiirk arrimaha dibada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka taageerayaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ku harsan yihiin.

Dhanka kale, Tedros Adhanom ayaa booqday saldhigyada ciidamada Itoobiya ee magaalada Baydhabo, isagoo la shiray saraakiisha ciidamada hoggaamineysa iyo ciidamada oo uu dardaaran u jeediyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada