daajis.com:- Waxaa shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay maamul la baxay Jubba Ganaane State oo la sheegay inay dhisteen dadka Jubbooyinka, waxaana madaxweyne loogu doortay Cabdilaahi Xasan Cali.
Maamulkan ayaa la sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dadweynaha Jubbooyinka ay u heli lahaayeen maamul cadaalad ah, waxaana madaxweynaha maamulkan cusub uu khudbad ka jeediyay shirka isagoo faahfaahin ka bixiyay qorshihiisa Maamulkan ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay degmooyinka: JILIB. JAMAAME, CEELWAAQ, BAARDHEERE, LUUQ, KISMAAYO, BUAALE, YURKUD IYO SALAGLEEY.
Xafladii looga dhawaaqay maamulkan waxaa ka dhex nuuqday xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyagoo hambalyo u diray maamulkan cusub.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at