Daawo Sawirada':- Muhaajiriin Siiriyaan ah oo kusii jeeday Yurub oo Mashaqo ku qabsatay Biyaha u Dhaxeeya Turkiga iyo Gariiga

Daawo Sawirada':- Muhaajiriin Siiriyaan ah oo kusii jeeday Yurub oo Mashaqo ku qabsatay Biyaha u Dhaxeeya Turkiga iyo Gariiga

daajis.com:- Waxaa wali socda qul qulka qaxootiga Siiriyaanka ee kusii jeeda Wadamo kuyaala Qaarada Yurub, waxaana dadkan badankood ay ka baxaan dalka Turkiga iyaga oo sii mara biyaha u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Gariiga.

Labo doonyood ay saarnaayeen Muhaajiriin Siiriyaan ah ayaa lagu soo waramayaa in doonidii ay saarnaayeen kula degtay meel ka baxsan biyaha dalka Turkiga, waxaana shilakaasi ku dhintay dad aad u badan.

Inta la xaqiijiyay 40-qof ay ku jiraan Carur 20-caruur ah iyo haween ayaa ku dhintay laba shil oo kala duwan oo ka dhacay xeebaha ka baxsan waddanka Turkiga, waxaa sidoo kale nolol iyo geeri aan la heyn dad kale oo badan oo saarnaa doonyaha mashaqado haleeshay.


Doonyaha ayaa la sheegay in ay ku dageen biyo aad u qabow agagaaraha jasiiradaha Giriigga ee Farmakonisi and Kalolimnos, waxaana lagu guuleestay in la bad baadiyo qaar kamid ah dadkii saarnaa doonyaha dagay, wxaaa sidoo kale la baadi goobayaa dadka wali maqan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada