daajis.com:- Sida inta badan dhacdo weerar walbo oo ay Al-shabaab ka geeysato gudaha Muqdisho, waxaa garab ku siiya shaqsiyaad ka tirsan laamaha amaanka DF, kuwaasoo u fududeeya xogta iyo macluumaadka.
Warar hoose oo ku dhow dhow laamaha amaanka DF, ayaa sheegaya in sarkaal katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka (NISA), uu bixiyay xogtii lagu weeraray Xeebta Liido Habeenkii Khamiista ee lasoo dhaafay, halkaasoo ay ku dhinteen in kabadan 20 ruux oo dhamaantood shacab ahaa.
Sarkaalkan bixiyay xogta ay Shabaab ku weerareen Xeebta Liido, ayaa hada kujira gacanta NISA, waxaana ku socda Baaritaano xoogan.
Qadar yar kahor inta uusan weerarka dhicin, ayaa waxaa la sheegay in Sarkaalkaan uu isaga soo baxay Maqaaxida Liido Seaf Food, waxaana la sheegay inuu meel aan sidaas uga fogeen lasoo istaagay Moobilkiisa asigoona halkaas ka hagayay weerarka.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu qirtay inuu masuul ka ahaa xogta lagu weeraray Xeebta Liido, islamarkaasina uu gacan saar hoose la lahaa Al-shabaab.
Mid kamid ah saraakiisha NISA oo diiday in magaciisa lasoo xigto, ayaa sheegay in Sarkaalkan la qabtay mudaba laga shakisanaa islamarkaasina horayna loogu eedeeyay inuu gacan saar la leyahay Al-shabaab..
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:12 and have

