Daawo:- Sooamali Kawaanle ka ah USA oo shaqada uga tegay…

Daawo:- Sooamali Kawaanle ka ah USA oo shaqada uga tegay…

daajis.com:-Ku-dhawaad 150 kawaanley  badankooda ka soo jeeda dalka Somalia ayaa  isaga tegay shaqadooda, kadib, markii ay isku maan dhaafeen maamulka warshada hilibka ee The Cargill Meat Solutions oo ku taalla Degmadda Fort Morgan ee Gobalka Colorada ee dalka Maraykanka oogida cibaadada.

Tallaabadaasi ayaa timid, kadib markii, maamulka warshadda ay muslimiinta u diideen fasax kooban si ay u oogaan Salaaddaha ku gala inta ay shaqaynayaan.

Toban maalmood ka hor, in ka badan 200 Shaqaale ay ayaa isaga tegay Shirkadda Wershadaasi, kadib, markii lagu mamnuucay inay si wadar ah hal mar u baxaan si ay Jameeco ahaan u tukadaan.

Qaar ka mid ah Shaqaalahaasi ayaa soo laabtay, balse intooda badan wey diideen inay ku laabtaan shaqada, kadib, markii ay Wakiilo ka socda Golaha Xiriirka Muslimiinta Maraykanka “The Council on American-Islamic Relations (CAIR)” dhexdhexaadin ka galeen Murankaasi.

Hawl-fuliyaha iyo Afhayeenka Golaha Islaamka Maraykanka, Jeylaani Xuseen ayaa sheegay in Shaqaalaha la ruqseeyey ay ku jiraan kuwo Wershadda ka shaqeynayey ilaa 10-sanno.

Waxa uu sheegay inay Maamulka Wershadad oggolaadeen inay Muslimiinta ku tukadaan Wershadda dhexdeeda, loona diyaariyey Qolka Salaadda.
Sidoo kale, Mas’uulkaasi waxa uu sheegay inay Shaqaalaha shaqada ka tegay sheegeen intay Salaad la’aan ku dhici lahayd iska ruqseysteen Shaqada Wershadda.

Isbuucii la soo dhaafay, Afhayeenka Wershadda Hilibka ee The Cargill Meat Solutions, Mike Martin ayaa u sheegay Wargeyska The Greeley Tribune in Shaqaalaha aaminsan Diimaha kala duwan u oggol yihiin inay cibaadaystaan, laakiinse aysan oggolaan karin inay hal mar shaqaale badan u baxaan Cibaadaysi, taasi oo uu sheegay inay yaraynayso Wax-soo-saarka Wershadda.

Dhinaca kale, Shaqaalaha Kawaanleyda ee ka shaqeeya Wershadaasi, waxaa la sheegay inay  halkii saac ku shaqeeyaan lacag dhan 14-Dollar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada