daajis.com:- Dab xooggan ayaa qabsaday dhismaha hoteel ku yaal bartamaha magaalada Dubai, kaasoo u dhow daarta ugu dheer adduunka ee Burj Khaliifa.
Dhismahan oo lagu magacaabo The Address, waxaana dabkaan uu kacay ka hor inta aan loo dabaal degin sanadka cusub oo dhismaha adduunka ugu dheer ee Burj Khaliifa looga diyaar garoobayay in la rido baaruuda rashka ah ee sanadka cusub lagu soo dhoweeyo.
Kooxaha gurmadka deg dega ayaa gaaray dhismaha The Address oo 300 mitir ah, halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan oo u diyaar garoobayay daawashada baaruuda sanadka cusub lagu soo dhoweynayay.
Dabka ayaa u muuqda in uu qabsaday inta badan dhismahaasi oo ka kooban in ka badan 60 dabaq, isla markaana ah hoteel heersare ah oo sidoo kalana leh qeyba gaar ah oo ay dadku degaan.
Ilaa iyo hadda ma ay jiraan wax muujiya waxa uu dabkan ka dhashay. Dowladda Dubai ayaa twitterka soo dhigtay in dabka uu ka kacay dabaqa 20-aad.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:34 and have
, Published at