Masjid Mareeykanka ku yaal oo Hili Doofaar lagu dhejiyay

Masjid Mareeykanka ku yaal oo Hili Doofaar lagu dhejiyay

daajis.com:- Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa shan kun oo dollar u yaboohday qofkii keena akhbaar hogaamin karta in lasoo xiro dadkii ka dambeeyey xeerta hilib doonfaar oo ceyriin ah oo lagu duubay gacanka laga qabto albaabka masjid ku yaalla magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada.

Bayaan kasoo baxay, ayay FBI-da ku sheegtay in iyada iyo waaxda booliiska ee Las Vegas ay ficilkan ka dhanka ah masjidka Al-Tawxiid u baarayaan dambi naceyb ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay raadinayaan nin caddaan ah oo timo madow, islamarkaana xiran ookiyaal, oo kaamirada ay qabatay isaga oo hilibka doonfaarka ku dhejinaya albaabka masjidka 27-kii December.

Masjidka ayaa waqtigaas marnaa. Ma jirin cid lagu dhaawacay ama waxyeelo la gaarsiiyey masjidka, sida ay sheegtay FBI-da.

Horaantii bishan, ayaa madax doonfaar waxaa laga helay albaabka hore ee masjid ku yaalla magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvani.

Golaha Xiriirka Islaamka Mareykanka ayaa sheegay in sanadkan la beegsaday 70 masajid iyo goobo diimeed oo Mareykanka ku yaalla.

Xigasho: VOA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada