daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dugsiga tababarka ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran “Kumaandoos”.
Dowladda Imaaraadka Carabta oo dugsigaan gacanta ku haysa, maalgelisana, waana qeyb ka mid ah mashaaariicda ay Soomaaliya ay kaga taageeryso dhinaca dhismaha ciidamada.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmey dhalinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay ka soo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka.
“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah. Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaa la idin ka fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab ee ku xiran Al Qaacida.Waxan dhammaanteen si weyn ugu maqsuudney sida quruxda badan ee aad u soo bandhigteen waxyaabihii halkan la idin ku barey. Waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan’’.
Halkaan Hoose ka Daawo
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, sida ay mar walba u taageerada hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
Waxaa iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Muxammad Al Uthman.
Munaasabaddan ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at