Weerarkii jaamacadda Pakistaan oo ku dhintay 25 arday iyo macallimiin: Sawirro

Weerarkii jaamacadda Pakistaan oo ku dhintay 25 arday iyo macallimiin: Sawirro

daajis.com:- Tirada dhimashada weerar saakay lagu qaaday jaamacadda Bacha Khan University ee magaalada Charsadda ee dalka Pakistaan ayaa sii kordheysa iyadoo ay hadda dhimashada tahay 25 qof, halka dhaawaca uu gaarayo 50 ruux.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray arday iyo macallimiin wax ka dhigayay jaamacadda, waxaana lasoo afjaray weerarka oo kooxihii gaystay dhamaantood la dilay.

Koox argagixiso ah oo ka koobnaa 10 illaa 12 qof ayaa galay jaamacadda Bacha Khan University sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

Ku xigeenka dambi-baaraha guud ee booliiska gobolka, Saeed Wazir Khan, ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof oo is-miidaamiyey ay ka mid ahaayeen argagixisada weeraray jaamacadda.

Afhayeen u hadlay Taalibaanka Pakistan, Mohammad Khorasani, ayaa sheegay in kooxdiisa aysan wax shaqo ah ku lahayn weerarka lagu qaaday Jaamacadda, isaga oo sheegay in goobaha aan milatariga ahayn aysan ku jirin liiska meelaha ay weeraraan.

Khorasani ku sheegay in weerarkii Arbacada uu yahay mid ka dhan ah shareecada Islaamka.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, oo iminka booqasho ku jooga Zurich ayaa cambaareeyey “Weerarkan fuleynimada ah”, waxaana uu sheegay inuu “Si qoto dheer uga naxay dhacdadan murugada leh”.

Jaamacaddan oo ku taalla gobolka Khyber Pakhtunkhaw, ayaa waxa ay hooy u tahay in ka badan saddex kun oo arday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada