DEG DEG Weerar 2 oo dhacay iyo Dagaal qaraaran oo ka socda Xeebta Liido

DEG DEG Weerar 2 oo dhacay iyo Dagaal qaraaran oo ka socda Xeebta Liido

daajis.com:- Weerar labaad oo ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay gudaha Baar Beach View ee magaalada Muqdisho, waxaana lasoo warinayaa in weerarkaasi labaad uu fuliyay mid kamid ah Dagaalyahaanada ka dhex dagaalamaaya Baar Beach View.

Gudaha Baar Beach View ayaa waxaa galay ilaa 6 Dagaalyahaano kuwaasi oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 waxa ayna ka dhex dagaalamayaan gudaha Baarka.

Ciidamada Dowlada iyo ilaalada Baar Beach View ayaan madaxa galinkarin Baarka waxaana jiro warar sheegaya in gudaha Baarka lagu dhex heysto Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir kuwaasi oo qorox dhicii caawa halkaasi u shaah doontay.

Ciidamada Dowlada ayaa Hubka culus gaar ahaan kan loo yaqaan Sabanka ku garaacaya Baar Beach View waxaana gudaha Baarka ku jira inkabadan 60 ruux oo mas’uuliyiin iyo shacab isugu jira kuwaasi oo lagu dul dagaalamaayo.

Sidoo kale, Ilaalada Baararka kale ee ku dhagan Baar Beach View ayaa qeyb ka ah Dagaalka socda waxa ayna rasaasta ku hubsanayaan cid kasta oo ku dhawaada iyaga oo iska ilaalinaaya maleeshiyo miidaamsan.

Waxaa go’an wadooyinka Baar Beach View waxaana jiro warar dheeraad ah oo sheegaya in Taliyayaal ciidan ay ku dhex jiraan Baarka.

La soco wixii dheeraad ah wararkeena danbe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada