Madaxyo la jaray oo laga soo tuuraayo Baarka Liido & wararkii ugu danbeeyay

Madaxyo la jaray oo laga soo tuuraayo Baarka Liido & wararkii ugu danbeeyay

daajis.com:- Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerarka lagu qaaday maqaayada Beach View,waxaana wali la maqlayaa jugta Qaraxyo culus oo goobta ka dhacaya iyo rasaas daba socota.

Mid kamid ah Saraakiisha laamaha amaanka Dowlada ee ku sugan goobta, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dariishadaha maqaayada Beach View laga soo tuuraayo madaxyo go’an oo la sheegay inay yihiin dad lagu dhex gowracay gudaha Beach View.

Sargaalkaani ayaa xaqiijiyay in ilaa Seddex madax ay ka qaaden qaar kamid ah Dariishadaha Beach View, waxa uuna tilmaamay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay wali ka dhex dagaalamayaan gudaha Baarka.

Sargaalka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in mid kamid ah Dagaalyahaanada uu is qarxiyay halka 5 kalane ay ka dhex dagaalamayaan gudaha Beach View.
Ciidamada ayuu sheegay inay awoodi la’ yihiin inay gudaha u galaan Beach View, waxa uuna sheegay in Dagaalyahaanada ay leyrarka densadeen, islamarkaana aysan kala garankarin cida Al-shabaab ah iyo dadka ay bad-baadinayaan.
Wuxuu Sargaalka intaa raaciyay hadalkiisa in Ragga weerarka ku dhaawacmay uu kamid ahaa Gudoomiyaha Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Ciise, Wariye Maxamed Ibraahim Macallimuu iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada.

Waxaa gabi ahaan mugdi ah dhismaha Beach View, waxa ayna ciidamadu hubka culus ku garaacayaan dhismaha si ay dhulka u dhigaan darbiga islamarkaana ay ugu sahlanaato inay gudaha u galaan dhismaha.

Ma cadda mas’uuliyiinta kale ee ku waxyeeloobay Ismiidaaminta iyo kuwa wali ku dhex jira gudaha Baarka.

Naga Filo Sawirada qaraxii liido seafood

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada