Weerarkii Liido oo lasoo gabagabeeyay iyo ninkii hoggaaminayay oo nolosha lagu qabtay

Weerarkii Liido oo lasoo gabagabeeyay iyo ninkii hoggaaminayay oo nolosha lagu qabtay

daajis.com:- Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegtay in lasoo gabagabeeyay weerarkii argagixiso ee maqribkii caawa lagu qaaday  Baarka Liido Sea Food iyo Hotelka Beach View, waxayna hay’addu sheegtay in qaar ka mid ah kooxihii soo weeraray la dilay, halka hoggaamiyihii kooxdaan nolosha lagu qabtay.

Ciidamada nabadsugida iyo kuwa gaarka u tababaran ee gaashaan in ay soo badbaadiyeen mas’uuliyiin degmooyin iyo xeer ilaaliyeaal, ku sugnaa gudaha hotelka.

Dhimashada ayaa la sheegay in ay gaarayaan 12 qof, walow ay intaasi ka badan karaan maadaama xaaladu kacsan tahay iyo dhaawaca 30 meeyo ah.

Sidoo kale, waxaa tiro dad la toogtay goortii hore ee weerarka oo ka bilowday dhinaca xeebta in ay yaalaan meydadka tiro badan.

Dadka ilaa hadda ku dhaawacmay ee la yaqaan waxaa ka mid ah Wariyaha caanka ah ee Maxamed Ibraahim Macallimuu iyo Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Yaasiin Nuur.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkaan argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido.

Weerarkaan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay halka laga galo baarka iyo hotelka oo ku dhegan, kadibna dabley hubeysan ayaa dhinaca xeebta kasoo gashay, kuwaasi oo gaarayay ilaa Lix hubeysan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada