daajis.com:- Warbaahinta dalka kenya ayaa maanta aad u hadal heysa Xiisad Cusub oo ka dhex taagan dalalka itoobiya iyo kenya kadib markii sarkaal booliska kenya ay dileen koox la tuhun san yahay in ay yihiin Ethiopian meesha uu dilka ka dhacayna waa Gobolka Marsabit ee Dalka Kenya.
Mark Wanjala oo ah Taliyaha Booliska Gobolka Marsabit ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdi Ediin uu ku sii jeeday degaanka Lorry,isaga oo ka tagay degaanka Illiret,waxaana joojiyan Burcad Itoobiyaan ah oo kadibna Rasaas la dhacay halkaasna uu ku qurbaxay.
Shilka ayaa ka dhacay degaanka Karare waxaana goobta kadib gaaray Booliska ay halkaasi ka sameeyeen Ciidanka amaanka Kenya oo halkaasi tagay.
Bishii hore ayaa 3 ka mid ah Booliska Kenya waxaa dilay Ciidamo Itoobiyaan ah oo sheegay in ay baacsanayeen Koox Burcad ah,waxaana ay taasi sameyn ku yeelatay xiriirka labada dal,waxaana ay sababtay in Madaxweynaha Kenya iyo Ra’isalwasaaraha Itooboya ayaa kulan ku yeeshay Mooyaale waxaana,halkaas lagu xalliyay murankii u dhaxeeyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at