daajis.com:- Maxkamadda Hargeysa ayaa saakay xukun ku riday labo nin oo u dhashay dalka Pakistaan, kuwaasi oo deegaanada Somaliland ka faafinayay mad-habta Shiicada oo mudooyinkaan lagu arkay dhulka Soomaalida degto kooxo ku faafiya.
Mid ka mid ah labadan muwaadin ee u dhashay dalka Pakistaan ayaa waxaa maxkamadda kasoo hormuuqday Maxamed Rasa Xusen oo 63 jir ah iyo saaxiibkiis oo ka maqnaa maxkamadda, waxaana labadooduba lagu xukumay hal sano oo xarig ah, Seddax Milyan oo lacagta Somaliland iyo in dalka laga masaafuriyo marka xukunka dhameystaan.
shiicoSidoo kale wax la amray Taliyaha xabsiga Mandheere in ninkaani meel gooni ah lagu xiro si uusan xabsiga dhexdiisa ugu dhex faafin diinta mad-habta Shiicada.
Hoos ka Daawo
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Dowladda Soomaaliya ay ceyrisay safiirka iyo diblumaasiyiinta Iiraan, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay baahinayeen mad-habta Shiicada iyagoo soo maraya ururo iyo hay’addo dadka caaawiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at