Madaxweynaha Kenya oo Sheegay inay Shabaab Ka Aargudan Doonaan goor dhow (VIDEO)

Madaxweynaha Kenya oo Sheegay inay Shabaab Ka Aargudan Doonaan goor dhow (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa waxaa uu maanta ku hanjabay in Ciidankooda ay ka aargudan doonaan Ururka Al Shabaab, ka dib weerarkii ay Jimcihii ay ku qaadeen Xeradii Militariga ee ciidamada dalka Kenya uu kaga sugnaa Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo.

Uhuru oo galabta khudbad ka jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa dadka reer Kenya ugu laab qaboojiyay inay is dejiyaan, isla-markaana ay Dowladdu wado dadaalo lagu soo samata bixinaayo askarta weli lagu la’yahay weerarkaasi.


Madaxweynaha Kenya ayaa shacabka dadkiisa ugu yeeray inay taageero wayn u muujiyaan Ciidanka Difaaca Kenya, si ay kaga guuleystaan dagaalka kala dhaxeeya Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha oo cod dheer ku hadlaayay ayaa ballanqaaday inay ka aargudan doonaan Xoogaga Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ka shalaayi doonaan, wixii ku khasbay inay askarta Kenya weeraraan.
hoose ka daawo


Mar uu ka hadlaayay in Ciidamada Kenya ay sii jooggi doonaan Dalka Soomaaliya iyo in kale, ayuu ku celceliyay inaanay ka soo bixi doonin Dalka Soomaaliya, ayna sii jooggi doonaan illaa iyo inta laga soo afjaraayo jiritaanka Ururka Al Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada