Madaxweynaha Shiinaha oo booqasho taariikhi ah ku tegay Iiraan: Sawirro

Madaxweynaha Shiinaha oo booqasho taariikhi ah ku tegay Iiraan: Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha China ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tegay dalka Iiraan tan iyo markii cunaqabadeynta laga qaaday Iiraan, sidoo kale booqashadan ayaa noqoneyso tii ugu horeysay mud 14 sano oo hoggaamiye China ku tago Tehran.

Madaxweynaha China Xi Jinping, ayaa wada hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Iran Hassan Rouhani iyagoo ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka labada dal, ganacsiga, gaashaandhiga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Mr Xi waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee yimaada dalka Iran tan iyo markii laga qaaday cunaqabateynta caalamiga ah toddobaad ka hor, taasi oo qayb ka ahayd heshiiskii lagu xadidayay barnaamijka niyukleerka ee Tehran.

Madaxweyne Xi booqashadiisa gobolka ay qayb ka tahay isku day balaaran oo lagu jiheynayo awoodda Shiinaha ee sii kordheysa gobolkaasi oo markii hore ay hareeyeen danaha Mareykanka iyo Ruushka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada