Warbaahinta Holland oo ka hadashay maskaxdii ka danbeysay weerarkii Liido oo Somali Dutch ah gacantana ku jira

Warbaahinta Holland oo ka hadashay maskaxdii ka danbeysay weerarkii Liido oo Somali Dutch ah gacantana ku jira

daajis.com:- Soomaali haysta dhalashada wadanka Holland ayaa ahaa maskaxdii ka danbeysay weerarkii habeenkii khamiista lagu qaaday baarka Liido Seafood oo ay ku dhinteen 25 qof oo rayid ah.

Ninkaan Soomaali Hollandeska ah ayaa lagu magacaabaa Ismail Muse Ahmed Guled ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha sida uu u xaqiijiyay telefishinka iyo idaacadda Omroep Brabant, Harald Doornbos oo ah wariye qabiir ku xeel dheer dagaalada.

Ismail Muse Ahmed Guled ayaa wadanka holland soo galay sanadkii 1992-kii wuxuu ku nolaan jiray magaalooyinka Den Helder iyo Tilburg, ka hor inta uusan ka guuran holland. waxaana uu qabay haweeneydii sanadkii hore isku qarxisay Central Hotel ee magaalladda Muqdisho.

Harald Doornbos ayaa warkiisa intaa ku daray in Ninkaani Soomaali Hollandeska ah uu ka danbeeyay, fududeeyayna weerar sanadkii 2014 ka dhacay dalka Jabuuti oo lagu dhaawacay Lix askari oo u dhashay dalka Holland.

Idaacadda iyo telefishinka Omroep Brabant oo la xiriirtay wasaaradda arrimaha dibada Holland si ay wax ugu ogaado arrimahaasi, waa ay ka gaabsadeen in ay xaqiijiyaan xaqiiqda warkaasi.

Ismail Muse Ahmed Guled, ayaa sanadkii hore sidoo kale kaalin ku lahaa qaraxii ka dhacay hotelka Central oo xaaskiisa ay isku qarxisay, taasoo iyadana haysatay dhalasho Hollandees.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada