Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo gaaray Beledweyn

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo gaaray Beledweyn

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay kaga qeyb galayaan munaasabad lagu kala bedelayo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Xasan Dharaar Hufane iyo saraakiil milateri.

Munaasabad lagu kala bedelayo Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ka socota magaalada Beledweyn, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada