Video: Qeyb kamid ah Soomaaliya oo aan Qoraxda Mudo badan laga arag

Video: Qeyb kamid ah Soomaaliya oo aan Qoraxda Mudo badan laga arag

daajis.com:- Akhriste ma ogtahay in uu jiro dhul Soomaaliyeed oo qoraxda aan la arag maalmo badan, roobkuna har iyo habeen ka da’ayo, isagoo wata qabow iyo ceeriyaamo.

Dhulkani waa dhul barwaaqo ah, xoolo badani ku nool yihiin, dhirtu aad ugu badan tahay, xeebta magaalada Boosaaso-na kor uga sarreeya in ku dhow 2000 oo mitir. Dhulkaas waxaa loo yaqaan Calmadow, daruuraha ayaa dul heehaaba, biyo rabbaani ah ayaa buuraha ka soo burqada, roobkuna kama kaco. Geela, ariga iyo lo’du waxay daaqaan isku meel, reer guuraaga iyo beeralayduna waa dhex jiifaan.

Hoose ka Daawo


Wariye Cali Cabdi Ducaale iyo Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Tigey ayaa booqday degaanka Calmadoow ee gobolka Sanaag iyagoo ku baraarujinay shacabka reer Puntland iyo Soomaali inteeda kaleba dhistaan dhulkooda oo ka faa’iidaystaan nimcada Ilaahay siiyey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada