Xildhibaan Daahir Amiin oo ku dhagan Odowaa

Xildhibaan Daahir Amiin oo ku dhagan Odowaa

daajis.com:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa markan ku dhagan labo kamid ah wasiirada xukuumada Soomaaliya oo hal beel kasoo wada jeeda oo ku sugan magaalada Jowhar.

Wasiirka arimaha gudaha iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo jeedinayaa markaan eeda ugu badan, kadib markii beesha Gaal Jecel shalay ku dhawaaqday iney isaga baxday shirka magaalada Jowhar ka socda.

Labada wasiir ayaa waxaa lagu eedeynayaa ineysan si cadaalad ah u qeybin odayaasha soo xulaya ergada soo dhiseysa baarlamaanka maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaan Daahir Amiin jeesow ayaa markaan ku dhagan xubnaha dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar kuwaasi oo aan si cadaalad ah u qeybin tirade Odayaasha soo xulaya ergada baarlamaanka soo dhiseyso.
Beesha uu kasoo jeedo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya oo degta Degmada Matabaan oo kaliya ayaa la siiyay shan xubin halka beesha Gaal jecel oo deegaano badan ka degta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan la siiyay lix xubin oo kaliya.

Waxaa sidoo kale jira cabashooyin ay muujinayaan beelaha kale ee daga deegaanada maamulka loo sameynayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada