daajis.com:- Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka jira kacdon ay wadaan qaar ka tirsan beelaha dega magaaladaas, waxaana kacdoonkaas uu salka ku hayaa arrimo hoose oo u dhexeeya beelaha qaar iyo buuq ka taagan habka maaraynta Shaqaalaha garoonka Cusub ee Boosaaso.
Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Boosaaso ku sugan ayaa xal u raadinaya kacdoonka jira, waxaana PuntlandOne.com uu ogaaday in la abaabulayo banaanbaxyo rabshado wata oo Boosaaso ka dhaca.
Kooxo abaabulan oo dhalinyaro aha aya qas ka sameeya Boosaaso, waxaana dhawaan amar kasoo baxay Booliska Gobolka Bari ay ku sheegeen inaan loo dulqaadan karin,iyadoona hadla uu jeediyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari uu arrinkaas kor usii qaaday.
Xariiro aan samaynay ayaa ku ogaanay in Madaxwaynaha Puntland uu arkayo odayaasha dhaqanka ee Boosaaso, isagoona kala hadli doona arrimahan la xariira xiisada jirta taas oo saaamayn ku yeelan karta amaanka Magaalada Boosaaso
Madaxwaynaha oo haatan ku sugan Boosaaso ayaa wadooyinka qaar waxaa lagu daadiyay warqado ay ku qornaayeen erayo muujinaya xiisada iyo kacdoonka ka jira ,magaalada Boosaaso, docda kalena waxaa maalmihii ugu dambeeyay baraha Bulshada ku xariirto ee Facebook lasoo dhigayay muuqaalo muujinaya arrimaha kacdoonka xiligaan jira.
Marka laga soo tago Kacdonkan ku salysan habka beelaha ayaa waxaa jira in arrinka shaqalaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso in wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo garoomada Puntland uu shaaca ka qaaday in aan shaqaale cusub haatan la qadan doonan.
Waxaa uu wasiirku sheegay in la tababarayo shaqaalihii hore ee Garoonka, waxaana uu meesha ka saaray inaan cidna la qaadan wali.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at