Arin Naxdin iyo fajac Ku riday Caalamka Qooys Barakac yaal Oo gabdhahooda la kufsaday ..

Arin Naxdin iyo fajac Ku riday Caalamka Qooys Barakac yaal Oo gabdhahooda la kufsaday ..

daajis.com:- Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay jiraan warar sheegaya in afar carruur ah ay xadgudubyo u gaysteen ciidammo ka soo jeeda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Waxaa la sheegay in tacadiyo dhanka galmada ah carruurtaasi loogu gaystay xero ay ku nool yihiin dad ka soo barakacay colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, intii u dhaxaysay sanadihii 2014-ka iyo 2015-ka.

Eedaysanayaasha ayaa waxa ay ka tirsan yihiin nabad ilaaliyayaal u dhashay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

In ka badan toban sano ayaa howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Afrika waxaa hareeyay fadeexadaha noocaasi oo kala ah.

Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay wax yar ka qabatay sidii dhibaatadaas lagu soo afjari lahaa.

Diseembartii la soo dhaafay guddi madax bannaan ayaa waxa uu Qaramada Midoobay ku dhaleeceeyay sida ay ula tacaashay eedaha tacadiyada ka dhacay Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyagoo sheegay in saraakiisha sarsare ay ku guuldaraysteen in ay tallaabo ka qaadaan xadgudubyada lagu eedeeyay in ay gaysteen ciidammo u dhashay wadammada Faransiiska, Equatorial Guinea iyo Chad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada