Bashar al-Assad oo ku dhaartay inuu wada qabsan doono dhamaan Suuriya

Bashar al-Assad oo ku dhaartay inuu wada qabsan doono dhamaan Suuriya

daajis.com:- Mid ka mid ah wareysiyada dhirka iyo naadirka ah ee uu bixiyo ayuu ku sheegay Madaxweyne Bishaar Al-Asad inuu hada ka shaqeynayo sidii uu gacanta ugu wada dhigi lahaa dhamaan Suuriya.

Isaga oo la hadlayey wakaalada wararka Faransiiska ee AFP, ayuu sheegay in ay waqti qaadan doonto sidii uu uga guuleysan lahaa kooxaha mucaaradka ee uu dagaalka kula jiro.

Hadalkaan ayaa yimid maalin kadib marki qaar ka mid ah dalalka isku magacaabay quwadaha aduunka ay ku heshiiyeen in dagaalka Suuriya laga gaaro xabad joojin si kaalmo loo gaarsiiyo dadka go,doonsan ee rayidka ah.

Mar sii horreysay oo maanta aheyd, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in ay bilowdo qeybinta mucaawinooyin loogu dala galay meelaha go,doonka ku jira muddo 24 gudahood ah.

Mr Assad ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada inta lagu guda jiro heshiis kasto oo caalami ah.

Dagaalka Suuriya ayaa waxaa ku dhintay 250,000 oo ruux halka ay u barakaceen 11 miyan oo kale kadib shan sano oo dagaalo sokeeya ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada