Wasaarado ku cusub dalka imaaraadka Carabta oo Xukuumaddu ay Shaacisay

Wasaarado ku cusub dalka imaaraadka Carabta oo Xukuumaddu ay Shaacisay

daajis.com:- Xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa la isku shaandheeyey, waxaana la magacaabay Wasiirada Wasaaradaha Farxadda, Is-cafinta iyo Dhallinyarada.

Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Sheekh Maxamed Bin Rashiid Almakhtuum, ahna Xaakimka Dubai iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi ayaa waxa uu Xukuumadda cusub ku soo daray Dhowr Wasaaradood oo ku cusub Taariikhda Maamulka ee dalkaasi.

Ra’isul-wasaraha oo 66 jir ah waxa uu Wasaaradda cusub ee Farxadda u magacabay Haweeney lagu magacaabo Cuhuud Alroomi, iyadoo Wasaaradda kale ee cusub ee Is-saamaxaadda ama Iscafiska loo magacaabay Libni Alqaasimi oo horey u ahayd Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Maalgashiga.

Sidoo kale, Wasiirka Dhallinyaradda waxaa loo magacaabay Shamaa Almarsuuqi oo 22-jir ah, waana Wasiiradda ugu da’da yar guud ahaan Caalamka oo Xil Wasiir loo magacaabo.
Xukuumadda cusub ee dalka Imaaraadka waxaa lagu soo biiriyey 5 Wasiir oo haween ah, kuwaasi oo ay da’doodu ka hooseyso 38-jir.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada