XOG: Laptobkii lagu qarxiyay Diyaarada Daallo waxa uu soo maray X-ray machine-ka

XOG: Laptobkii lagu qarxiyay Diyaarada Daallo waxa uu soo maray X-ray machine-ka

daajis.com:- Ilo ku dhow dhow laamaha amaanka Doowlada Soomaaliya, ayaa Warfaafiye u xaqiijiyay in Laptop-kii lagu qarxiyay Diyaarada Daallo lasoo marsiiyay qalabka lagu baaro qaraxyada (X-ray Machine), ee garoonka ku xiran. Arintaan ayaa sii abuureeysa wal walka laga qabo ama sida loogu kalsoonaan karo qalabka lagu xoojinayo amaanka Garoonka Muqdisho.

Qaraxa oo dhacay 2-dii Bishaan aan hada ku jirno ee February, ayaa gees ka duleeliyey diyaarada, waxaana uu dhacay 20 daqiiqo kadib markii ay diyaarada ka duushay Garoonka Muqdisho, iyadoona ku wajahneed dalka Jabuuti, qaraxan ayaa sida ay warar badan sheegayaan waxaa fuliyay nin lagu magacaabo Boorle, kaasoo ka baxay duleelka diyaarada, waxaana meydkiisa laga helay Balcad. Duuliyihii diyaarada ayaa markii uu qaraxa dhacay si nabad ah rakaabka oo ka koobnaa 74 ruux ugu soo celiyay Garoonka Muqdisho.

Ilowareedkan u xog waramay Warfaafiye, ayaa sidoo kale sheegay in Laptopka qaraxa lagu soo rakibay intii uusan gelin gacanta Cabdulaahi Cabdisalaan Boorleh, lasoo marsiiyay Machine-ka lagu baaro qaraxyada, waxaana la yaab leh in qolooyinka ku shuqulka leh qalabkaas aysan qaban Laptopkaas.

Qaar kamid ah saraakiisha FBI-da mareeykanka ee wax ka baaraya dhacdadaan, ayaa CNN-ka u sheegay in ninka fuliyay qaraxa Borleh uu ahaa nin si fiican u qorsheeyay qaraxa, islamarkaasina fariistay dhinaca xiga mid kamid ah Garbaha Diyaarada, waxaana uu hadafkiisa ahaa in qaraxa uu gaaro ilaa haanta shidaalka diyaaradana cad cad u burburto.

Sidoo kale CNN-ka oo soo xiganaya mid kamid ah saraakiisha FBI-da, ayaa waxa uu sheegay in dhamaan rakaabka ay dhamaan lahaayeen hadii qaraxa uu dhici lahaa marka ay diyaarada gasho hawada sare.

Waxaan kala cadeyn nuuca uu yahay X-ray Machine-ka yaalo Garoonka ee lagu baaro qalabka, mise qaraxa lagu soo rakibay Laptopka ayaa ahaa mid farsameysan oo uusan soo saari karin X-ray Machine-ka.

Dhamaan Garoomada Caalamiga ah, waxaa ku xiran qalab loogu tala galay inuu si deg deg ah ku qabto ama u sheego hadii ay jirto qatar, laakiin qaar kamid ah Garoomada ku yaal Afrika ma’isticmaalaan qalabkaas.

Weeraro hore oo loo isticmaalay Laptop:

Hadiiba ay Al-shabaab bilaawday adeegsiga weerarada Laptop-ka, waxay cadeyn u tahay in kooxda ay samayso Bambooyin, sida ay qabaan khabiiro dhanka argagixisada ku taqasusay.

Ibrahim Al-Asiri, waa madaxa samaynta qaraxyada Faraca Al-Qacidada Yeman ee lagu magacaabo AQAP u qaabilsan, ninkaan ayaa soo saara ama tababara jiil katirsan kooxaha Argagixisada, waxaana uu baraa sida loo farsameeyo qaraxyada.

Qaraxii isbuucii hore ka dhacay Diyaarada Daallo Airlines ee loo adeegsaday Laptop-ka, ma ahan kii ugu horeeyay nuuciisa ee ay Al-shabaab fuliso.

Bishii November sanadkii 2013-ka, Al-shabaab ayaa damacday in qarax Laptop loo adeegsaday ka fuliso gudaha Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, balse weerarkaas ayaa dhicisoobay, iyadoona laamaha amaanka DF ay gacanta ku dhigeen ninkii fulin rabay weerarkaas, waxaana ugu dambeyn lagu xukumay dil toogasho ah, waana la dilay.

Dad badan oo gaaraya 40 ruux oo loo xir xiray weerarkii Daallo:

Laamaha amaanka DF, ayaa ilaa iyo hada dhacdadaan u xir xiray ilaa 40 ruux, kuwaasoo isugu jira kuwo si toos ah ugu lug leh iyo kuwo si dadban wax uga ogaa.

Ilaa iyo hada majirto koox sheegatay qaraxii fashilmay ee diyaarada Daallo, balse laamaha sirdoonka Mareeykanka ee Muqdisho ku sugan, ayaa tuhmaya in Al-shabaab ay ku lug leedahay arintaas, kuwaasoo sheegtay masuuliyada weerarkii Liido kaasoo lagu laayay dad badan oo shacab ah.

Sarkaal katirsan laamaha amaanka DF, oo u waramay CNN-ka ayaa sheegay in qeybo kamid ah bur burka Diyaarada, gaar ahaan dhinaca duleela loo diray Mareeykanka si baaritaan dheeraad ah loogu soo sameeyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada