Layaab Peru: Gidaar kala qeybiya Faqiiriinta iyo Taajiriinta (Video+Sawiro)

Layaab Peru: Gidaar kala qeybiya Faqiiriinta iyo Taajiriinta (Video+Sawiro)

daajis.com:- Sawirada ama muuqaalka aan idiin soo gudbin doono, waxaad ku arki doontaan derbi ama gidaar hadba kaad u taqaano, kaasoo ku yaal dalka Peru isla markaasina kala qeybiya dadka taajiriinta ah iyo kuwa faqiirka ah.

Derbigaan oo loogu magac daray ‘Peru’s Berlin Wall’, ayaa waxaa cambaareeyay in badan oo ka mid ah bulshada dalkaas Peru.

Ujeedada serbigaan loo dhisay ayaa waxaa lagu sheegay, in dadka faqiiriinta ah ee degan magaalada San Juan de Miraflores ay u gudbaan dhanka taajiriinta oo iyaguna degan Surco, kadibna ay xatooyo ka geystaan halkaas.

Derbigaan oo ku yaal meel duleedka ka ah caasimada dalkaas ee LIMA, ayaa waxaa cambaareeyay inbadan oo kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, kuwaasoo ku tilmaamay ceeb iyo wax laga xishoodo, waxayna baraha bulshada soo galiyeen Sawiro iyo Muuqaalo ay kasoo qaadeen.

Sawiro cusub oo lagu qaaday Diyaaradaha Droneska, ayaa Muujinaya xajmiga gidaarka iyo sida uu u kala qeybiyo dadka Taajiriinta ah ee Surco iyo kuwa faqiiriinta ah ee degan San Juan de Miraflores.

1Muuqaal laga soo duubay Derbiga oo lasoo dhigay Youtube-ka, ayaa waxaa ka muuqanaya Caruur yar yar oo dhanka Faqiiriinta ku nool, kuwaasoo Derbiga ku qoraya halku dhigyo ay kamid yihiin “Dalka waan leeyahay adigana waad leedahay dhamaanteena waan leenahay”, taasoo micnaheedu yahay in Faqiir iyo Taajirba ay wada leeyihiin dalka aysan jirin sabab loo faquuqo.

Halkaan ka daawo Video muujinaya sida uu Derbigan u kala qeybiyo Faqiiriinta iyo Taajiriinta Peru:
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada