Daawo 4 jir ISIS katirsan oo Baabuur ku qarxinaya 4 ruux oo maxaabiis ah

Daawo 4 jir ISIS katirsan oo Baabuur ku qarxinaya 4 ruux oo maxaabiis ah

daajis.com:- Afar jir British ah oo IS u bixisay “Jihadi Junior” ayaa hooyadiis waxaa ay ku biirtey ururka IS iyadoo hore u ahayd Masiixiyad balse markii dambe qaadatay diinta Islaamka.

Wiilkan yar ayaa la arkayaa isagoo gacanta sare u qaadaya kuna qeylinaya ‘Allahu Akbar.’ Iyadoo ay tahay markii labaad oo uu ururka IS soo bandhigayo muuqaalka wiilkan yar oo muuqaalkii hore uu ku gowracay muwaadiniin u dhashay Ingiriiska.

Afarta ruux ee lagu dhex gubay gaari yar oo waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa mid mid u qiranaya inay ahaayeen basaasiin ay wadamada reer Galbeed lacago ku siiyeen inay sawiro ka soo qaadaan magaalada Raqqa ee xarunta kooxda IS.

Qof u muuqday inuu ahaa mas’uulka howsha dilka ku fulinayay afarta ruux ayaa intii aysan dilin waxa uu ugu digay ra’iisal wasaaraha Britian David Cameron inuu soo hubeeyo ururada mucaaradka ku ah IS ee jooga dalka Siiriya.



Mid kamid ah ururada kasoo horjeeda IS oo xaruntoodu tahay magaalada Raqqa ayaa sheegay in ragga qaraxa lagu dilayo ay ahaayeen dad ganacsato ah oo laga yaqaan magaalada Raqqa.

Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha Britian ayaa ku tilmaamay cajalada la soo bandhigay inay ka marag kacayso jaahilnimada IS iyo in loogaga dan leeyahay dacayaad.

Halkaan ka daawo Sawirada Jihadi Junior oo Baabuur ku qarxinaya 4 qof oo maxaabiis ah:

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada