Cilmi baaris lagu Ogaaday in Dumarka Jecel Heesaha ay ka raagan Guurka.

Cilmi baaris lagu Ogaaday in Dumarka Jecel Heesaha ay ka raagan Guurka.

daajis.com:-Prof. Welsan Danyel oo u dhashay dalka Holand, ayaa waxa uu sheegay in Cilmi baaris ay sameeyen ay ku Ogaaden in Dumarka inta badan Wakhtiga u hura dhageysiga Heesaha ay ka raagan Guurka.

Prof. Welsan Danyel, waxa uu Tilmaamay in Cilmi baaristaasi ay wada sameeyen ku dhawaad 12-Khubaro oo u kala dhashay Caalamka gaar ahaan kasoo kala jeeda Yurubta, waxa uuna sheegay in leysu waafaqay in 87% Dumarka ay ka raagan guurka waa haddii ay badsadaan dhageysiga Heesaha Jaceylka.

‘’Haa waa Cilmi baaris la sameynaayay muddo 1-2-Sanno waxaana wada sameeyay Khubaro inta badan raad-raac ku sameysa Arrimaha daahsoon waxaana soo baxay in Dumarka dhageysta Heesaha Jaceyl ay ka raagan guurka, waayo inta badan Dumarka kuma fiicna Jaceylka haddii ay dhacdana kama bogsadaan aafada Jaceylka’’ Ayuu yiri Prof. Welsan Danyel.

Sidoo kale, Prof. Welsan Danyel, waxa uu sheegay in Cilmi baaristaasi ay ku tijaabiyeen ku dhawaad 2,550 Dumar aan weli guursan, isagoona sheegay inay ka heleen daraasadii ay ku sameeyen.

‘’Inta aan lasoo bandhigin waxan sameynay tijaabo waxaana soo baxday in Dumarka aysan ka bixi Karin haddii ay dhageystaan Heesaha Jaceylka ah, waayo waxan daraaso ku sameynay 2,550 Dumar oo aan weli guursan waxaana soo baxay daraasadii aan sameynay’’.

Ugu dambeyntii, Khabiirka waxa uu sheegay in Arrintaasi looga bad-baadi karo in Haweenka ay iska yareeyan Dhageysiga faraha badan oo ay ku sameynaayan Heesaha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada