daajis.com:- Koonfurta Dalka Lubnaan ayaa waxa laga arkay Gorgor aad u weyn oo Baliciisu gaarayo illaa 2mirtir ,waxaana laga helay qalab “GPS” iyo aqoonsi ah in laga leeyahay dalka Isra’il “P 98″, iyadoo la aaminsan yahaya in Gorgorkan uu jaajuus u ahaa dowladda Israil oo ay u adeegsanaysay arimo jaasuusnimo ah , halka dhanka Isra’il ay ku difaaceen inuu ahaa mid loo adeegsanayay dhanka Cilimi barista oo kaliya.
Afhayeen u hadalay wasaaradda Deegaanka Isra’il oo la yiraahdo tenenbaum ayaa sheegay in Gorgorkan uu 4KM gudaha u galay xuduuda Lubnaan kana codsaday dowlada Lubnaan inay iska sii daayaan, gororkan ayaa ugu dambeyn la iska sii daayay kadib markii la hubiyay inaanuu duubin wax khatar ku ah dalka Lubnaan, dhacdadan ayaan ahayn markii ugu horeysay iyadoo mamar badan lagu arkay Konfurta Lubnaan shimbiro ay dadku ka shakiyeen dowladda Isra’ilna u adeegsanaysay arimo sirdoon.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at