Dowladda oo si KMG ah u joojisay duulimaadyadii Hargeysa: Akhriso

Dowladda oo si KMG ah u joojisay duulimaadyadii Hargeysa: Akhriso

daajis.com:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si KMG ah ah u joojisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, kadib markii warqad qoraal aj kasoo baxday xafiiska Agaasimaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jen. Cabdullaahi Gaafow oo lagu caddeeyay in  Dowladda Federaalku si KMG ah u joonineyso dhamaan duulimaadyadii isaga kala gudbi jiray Muqdisho iyo Hargeysa.

Warqadda ka soo baxdey xafiiska Gen. Gaafow ayaa amar lagu siiyay shirkaddaha duulimaadyadu in ay muddo 21 cisho ah gudahood ku joojiyaan dhamaan duulimaadyadaas, taas oo ka bilameysa 22/02/2016.

Sababta go’aankan ayaa daba socota go’aamo ka soo baxay Somaliland, kaas oo la xiriira in dadka lagu khasbaayo in ay goostaan warqad la yiraahdo Go Home, lacag dheeraad ahna laga qaadayo, sida lagu sheegay amarka ka soo baxay Jen. Gaafow.

Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda gobolada Konfureed ee Soomaaliya ku amartey in ay qaataan Visa ama oggolaansho si ay ugu noolaadaan gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada