Dowladaha Soomaaliya Iyo Kenya oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi (SAWIRRO)

Dowladaha Soomaaliya Iyo Kenya oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi (SAWIRRO)

daajis.com:- Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan.

Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar oo heshiiskan u saxiixay dhanka dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan doonto heshiiskan.


Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2005, uu yahay mid shantii sannaba dib u eegis lagu sameeyo, si loo darso baahiyada muhiimka ah ee jira iyo wixii u qabsoomay.

Dhanka dalke Kenya, waxaa heshiiskan u saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Amina Mohamed Jibril, oo iyana sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.


Sida uu dhigayo heshiiska Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga labada dal ayaa saxiixa wasiirrada kadib, ansixinta heshiiskan si uu dhaqan gal u noqdo, waxaa iska leh madaxweynayaasha labada dal. Waxaana mustaqbalka dhow la filayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay qalinka ku duugaan heshiiskan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada