Faahfaahino Dheeraad ah oo ka Soo Baxaya Weerarkii Madxtooyada (VIDEO)

Faahfaahino Dheeraad ah oo ka Soo Baxaya Weerarkii Madxtooyada (VIDEO)

daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya Xaafadda 15 May ee Degmeda Warta Nabadda ayaa sheegaya in Hoobiyeyaashii maanta lagu weeraray xaafadaasi ay ku geeriyoodeen 2 Qof halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen, Hoobiyaashaasi oo aan la aqoon halka laga soo tuuray ayaa ku dhacay Xaafado ka mid ah Degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwii ku Dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay ku jiraan Barakacayaal degenaa Laanta Labaad ee Degmada Warta-nabadda sida Maamulka Degmada ay u sheegeen warbaahinta Dowladda.
Halkaan Hoose ka Daawo


Wali ma jirto cid sheegatay Madaafiicda iyo cid og halka laga soo tuuray intaba, iyadoo 7-dii Bishii hore ee Janaayo sidan oo kale ay Madaafiic Dhimasho iyo Dhaawacyo sababtay ay ku soo dhaceen agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka qaranka ayaa baaritaano ka wada Degmada Warta-nabadda, mana jirtaan cid ay ciidankayu ilaa iyo hadda ay falkaasi u soo qabteen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada