DAAWO: Kulankii Baarlamaanka Galmudug oo Maanta Dagaal iyo Buuq ku soo Dhamaaday (VIDEO)

DAAWO: Kulankii Baarlamaanka Galmudug oo Maanta Dagaal iyo Buuq ku soo Dhamaaday (VIDEO)

daajis.com:- Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta ka dhacay kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi waxaana la sheegay in kulankaas uu ku soo dhamaaday buuq iyo dagaal, iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada ay gacanta isula tageen.

Kulanka Baarlamaanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir, waxaana ajnadaha kulanka uu ahaa maanta aqrinta xeer horyaalay Baarlamaanka Mamaulkaasi, hasa ahaatee xaalada xarunta Baarlamaanka ayaa mar qura isku bedeshay goob dagaal.


Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo diyaarinayay Mooshin ay ku dalbanyeen in Baarlamaanka ay hor yimaadaan Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaasi oo wax qabad la’aan lagu eedeeyay, waxaana mooshinkaasi ka dhashay is fahan la’aan u dhaxaysay Xildhibaanda baarlamaanka.

Mooshinkan oo ay saxiixeen Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka hor yimid Xildhibaano sheegay in magacyadooda ku qornaayeen Warqada mooshinka kuwaa oo sheegay in laga been abuuray magacooda iyo saxiixooda.


Labo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ay gacmaha isla galeen ayna halkaasi ku dagaalameen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada