Daawo:- Qafaalka caruurta yaryar ee loo iib geeyo dibadda oo Hargeysa kusoo badanaya

Daawo:- Qafaalka caruurta yaryar ee loo iib geeyo dibadda oo Hargeysa kusoo badanaya

daajis.com:- Waalidiinta iyo macallimiinta dugsiyada waxbarashada Somaliland ayaa walaac ka muujiyay afduub loo geysto caruurta yaryar ee dugsiyada loo soo diro, kadib markii magaalada Hargysa ay kusoo kordheen afduubka loo geysanayo caruurta da’dooda ka yar tahay toban sano jirka.

Maalmihii u danbeeyay ayaa kooxo isku xiran oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali waxay wadooyinka ka qafaasheen caruur yar yar, kuwaasi oo raqdooda la la yahay meel lala aaday, halka qaar kale dib loogu soo celiyo meelihii laga qafaashay.

Kooxaha wax afduubta ayaa mariya caruurta baaris caafimaad, kuwa ku dhacana ay dib ugu soo celiyaan meelihii ay ka afduubteen, halka kuwa caafimaad qabana ay haystaan, iyadoo aan la ogeyn meel lala aado.


Wiilkii u danbeeyay ee laga qafaashay gudaha magaalada Hargeysa oo dib ay usoo celiyeen markii uu ku dhacay tijaabada caafimaad ee ay mariyeen ayaa ka warbixiyay sida ay u qafaasheen iyo wixii uu arkay isagoo sheegay in markii la qabanayay ee gaariga lagu riday in markaasi ay ugu danbeysay miir, kuna soo toosay isagoo la saarayo computer iyo qalab kale oo lagu baarayay.

Kadibna, waxaa loo sheegay inuu xanuunsan yahay, baaritsiisana ay ka qeyb qaadeen ajaaniib iyo Soomaali, kadibna dib loogu soo celiyay meel u dhow dugsigii laga afduubtay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada