Daawo Sawirada” Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo goor dhow furay Shirka Heer sare ee Arimaha Soomaaliya

Daawo Sawirada” Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo goor dhow furay Shirka Heer sare ee Arimaha Soomaaliya

daajis.com:Madaxweynaha Dowlada Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa goordhaw magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxa uu ka furay Shirka Heerka Sare Ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya , Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira, Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,in ka badan 200 oo ergo oo ka socda in ka badan 50 dal, iyo hay’adaha caalamiga.

Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan, oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa ugu baaqay beesha caalamka in taageero muuqda ay siiso Dowlada Soomaaliya uu tilmaamay in ay hada hormar ka gaartay dhinacyo badan.

Magaalada Istanbuul Shirka ka furmay ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana inta uu shirku socdo qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada