Hay’ada Caafimadka Adduunka WHO oo xaalad qatar ah ku tilmaantay cudurka Zika

Hay’ada Caafimadka Adduunka WHO oo xaalad qatar ah ku tilmaantay cudurka Zika

daajis.com:-  Hay’ada caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku tilmaantay cudurka Zika Virus inuu yahay mid khatar qatar  ku ah caalamka, kadib markii uu si baaxad leh ugu fiday dalalka Latinka.

WHO ayaa sheegtay in cudurkan loo baahan yahay in iskaashi caalami laga sameeyo sidii looga hortagi lahaa. WHO ayaa gelisay cudurka Zika heer la mid ah heerka cudurka Ebolaha.

Illaa afar kun oo xaaladood ayaa laga soo sheegay in dalka Brazil lagu arkay tan iyo bishii Oktaabar ee sanadkii hore.

Margaret Chan Agaasimaha Guud ee WHO ayaa ku tilmaantay cudurka Zika ‘Mid Qeyracaadi ah’ una baahan in jawaab deg-deg ah laga bixiyo.

Dr Chan ayaa kula talisay haweenka uurka leh inaysan u safrin deegaanada uu ka jiro cudurka Zika. Sidoo kale waxa ay kula talisay in la iska ilaaliyo kaneecada goobaha uu cudurkan ka jiro.

Asalka Cudurkaan Zika waxa uu ka soo bilowday dalka Uganda, hayeeshe hada waxa u muuqataa in dalal badan uu ku faafay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada