daajis.com:- Waxaa markii ugu horeysay is horfadhiistay Dowlada Syria iyo Mucaaradka wadankaasi, kaasi oo ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Wada-hadalka labada dhinac oo walwal badan laga muujinaayo ayaa waxaa diyaarintiisa lahaa Hay'ada Qaramada Midoobay.
Ujeedka laga leeyahay wada-hadalka ayaa ah in meesha laga saaro colaadaha u dhexeeya labada dhan, waxa ayna inta badan Siyaasiyiintu qabaan in wada-hadalkaasi uusan kasoo bixi karin natiijo waafi ah.
Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalka Syria Ambassador Staffan de Mistura ayaa sheegay in dhinaca dowlada ay ogolaadeen in cunto gar gaar ah la geeyo sadex magaalo oo ay mucaaridka ku go’adoonsan yihiin, kuwaasi oo kala ah; Madaya, al-Foua iyp Kefraya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ahmiyada koowaad siinayso sidii xabad joojin loo dhex dhigi lahaa labada dhinac.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:54 and have
, Published at