Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis muhiim ah: Sawirro

Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis muhiim ah: Sawirro

daajis.com:- Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Somalia ayaa kullan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul oo uu ka furmay shirka madasha 6-aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Kullankaan oo labada Madaxweyne ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxay si gaar ah ugu wada hadleen xiriirka labada dal, taageerada dhaqaale ee dhinaca horumarka, kaabayaasha dhaqaale ee Turkiga uu siinayo Somalia iyo amniga.

erdogan-madax-soomaali-1Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu mahad celiyay dhigiisa Turkiga taageeraada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin Somalia, isagoo sheegay in taageeradaasi uu Turkiga la garab taagan yahay Somalia wax badan ka badalay muuqaalka muuqaalka guud ee Somalia.

Recep Tayyip Erdoğan ayaa dhankiisa ka ballan qaaday in Turkiga intii karaankiisa ah uu taageeri doono shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dowladdiisa ay ku bixin doonto wax kasta oo horumar ku sameyn doona Somalia.

Dhinaca kale, Dowladdaha Somalia iyo Turkiga ayaa kale kala saxiixday heshiis dhinaca tamarta ah, kaas oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha iyo maalgashiga Somalia.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaatay madaxa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Midowga Yurub, Neven Mimica, Agaasimaha Bankiga Adduunka ugu qaabilsan Somalia, Mrs Bella Bird, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield, iyo madax kale.  
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada